Man United Oo Garaacday Chelsea Kulan Laba Casaan La Qaatay.

Kooxda Man United ayaa guul ka gaadhay Chelsea kulan xiiso lahaa oo labada kooxdba waxba iskula hadhin.

Kulanka ayaa si dar-dar leh ku bilowday kadib markii kaadhka cas ee tooska ah loo taagay Goolhayaha Chelsea ee Robert Sanchez daqiiqadii 5-aad.

Kooxda Man United oo ka faa’iidaysanaysa 10-ka xiddig ee ay Chelsea noqotay ayaa qaadaysay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 14-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay United ku hogaaminayso.

Man United ayaan halkaas ku joogsan waxana ay heleen goolka 2-aad daqiiqadii 37-aad waxana u dhaliyay xiddiga Casemiro kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Man United ayaa ciyaarta looga saaray diginin laba kaadh ah xiddiga Casemiro kaas oo ciyaarta isku dheelitiray.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man United hogaaminayso natiijo ahaan laakiin min 10 xiddig yihiin labada kooxood.

Qaybt dambe ayay Labada kooxood u soo galeen sidii ay u dhalin lahaayeen goolal iyada oo koox walba doonaysay kooxda kale in ay gool ka dhaliso.

Daqiiqadii 80-aad ayay Chelsea dhalisay gool waxana u dhaliyay daafaca Trevoh Chalobah kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United gaadhay guul muhiim ah oo ay aad ugu baahnayd.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga