Man United Oo Durba Loo Sheegay In Ay Amaah Ku Dirto Joshua Zirkzee, Sabab?

Xiddiga Manchester United Joshua Zirkzee ayaa lala xiriirinayay inuu amaah ugu dhaqaaqayo Juventus suuqa January.

Zirkzee, oo 23 jir ah, ayaa United ugu soo biiray xagaagii 36.5 milyan oo euro isagoo kaga soo biiray Bologna, halkaasoo uu u soo saaray 12 gool iyo 7 caawin 37 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii hore.

Weeraryahanka ayaa kaliya ciyaaray todobo jeer horyaalka Premier League ilaa haatan xilli ciyaareedkan, isaga oo dhaliyay kaliya goolkiisii ​​furitaanka xilli ciyaareedkan ee Fulham.

Laakiin halyeyga West Ham Paolo Di Canio ayaa soo jeediyay inay fiicnaan lahayd haddii xiddiga heerka caalami ee dalka Netherland amaah lagu siiyo Juventus inkasta oo ay wakhti hore tahay in go’aan laga gaadho mustaqbalka xiddiga ee Old Trafford.

Di Canio ayaa u sheegay TuttoSport: “Premier League aad ayuu ugu dhibaatoonayaa in uu la qabsado, waxa laga yaabaa in uu muujiyo in aan khaldanahay isla markaas dhaliyo goolal badan soona bandhigo qaab ciyaareed fiican”.

“Horyaalka isla markiiba way ku weerarayaan sidoo kale ciyaarta lama joojiyo daqiiqado badan, Italy waxa aan aragnay saamaynta uu ku yeeshay Bologna”.

“Ugu dambayntii waxa aan aaminsanahay in ay United amaah ku siiso xiddiga Juventus”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga