
Kooxda Man United ayaa bar-baro kala Soo laabatay Spain kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka Europa League.
Man United ayaa kulanka u Soo gashay iyada oo doonaysa in ay natiijo fiican kala baxdo garoonka ka hore lugta 2-aad ee tartanka.
Qaybta hore ee ciyaarta ayay labada kooxood ku kala baxeen bar-baro iyada oo ayna midkoodna wax gool ay dhalin.
Ciyaaryahan Joshua Zirkzee ayaa hogaanka u dhiibay Red Devils qeybtii labaad ee ciyaarta.
Laakiin Mikel Oyarzabal ayaa barbareeyay rigoore ka dib markii Bruno Fernandes lagu Dhigay khalad uu galay.
Waxa sidaaa ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala baxeen bar-baro 1/1 ah.
Be the first to comment