“Man United Nagama Badin Laakiin” Mikel Arteta Oo Sameeyay Mar-Marsiyo kale Oo La Yaabo Leh.

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay hadal kale Oo la Yaab leh kadib guuldaro Kooxdiisa ka soo Gaadhay Man United.

Man united ayaa Arsenal ku Garaacday Emirates kulan ka tirsanaa wareega 3-aad ee tartanka FA cup-ka.

Arteta ayaa si la Yaab leh u sheegay in kooxda Man United ayna ka badin Kooxdiisa laakiin garsooruhu u hiiliyay Man United.

Arteta oo arinyaas ka hadlaya ayaa yidhi”anaga ayaa ahayn kooxda Fiican kulanka”.

“Garsooraha ayaa u hiiliyay Man United, anaga ayaa xaq u lahayn in aan badino kulanka” ayuu sii raaciyay.

Hadalka Arteta ayaa imanaya maalmo kadib markii uu Mar-Marsiyo uga dhigay guuldaradii Carabao cup-ka ka soo Gaadhay Newcastle.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga