
Bryan Mbeumo ayaa wali doorbidaya u wareegida Manchester United ka dib markii Tottenham ay soo bandhigtay dalab 70 milyan oo euro ah sida ay sheegayaan wararku.
United ayaa doonaysa in ay xoojiso weerarka Ruben Amorim ka hor xilli ciyaareedka cusub waxana ay dhamaystirtay heshiis 62.5 milyan ah oo ay kula soo saxiixanayso Matheus Cunha oo ay kala soo wareegeen Wolves todobaadkan.
Weeraryahan cusub ayaa sidoo kale ku jira liiska ciyaartoyda ay dooneyso United suuqa xagaaga, waxaana durbadiiba la kulmay dharbaaxo bishaan iyadoo Liam Deap uu diiday inuu 30 milyan ugu biro Old Trafford isaga ka doortay Chelsea.
United ayaa sidoo kale wadahadalo horumar leh kula jirtay saxiixa Mbeumo laakiin ilaa hadda ma aysan awoodin in ay heshiis la gaaraan Brentford si ay u helaan saxiixa xiddiga.
Waxaa la fahamsan yahay in dalabkii ugu horeeyay ee United ee Mbeumo uu ku kacayo 55 milyan Iyo waliba lacago gunooyin ah laakiin Brentford ayaa diiday.
Mirror ayaa haatan warinaysa in Spurs ay gashay loolanka loogu jiro saxiixa Mbeumo ka dib imaatinka Thomas Frank ee kooxda ka dhisan waqooyiga London isbuucaan, waxaana dalab 70 milyan ginni ah ka gudbisay saxiixa xiddiga si ay u hesho saxiixiisa.
Spurs ayaa sidoo kale faa’iido u yeelan karta Frank oo si weyn ugala soo shaqeeyay Mbeumo Brentford lixdii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay.
Laakiin Sky Sports ayaa ku warameysa in Mbeumo uu wali doorbidayo ku biirista Man United.
Be the first to comment