Man Unietd Oo Si Dhaw Ula Socota Scott McTominay, Maxay Damacsantahay?

Bogga “CaughtOffside” ayaa sheegay in kooxda Manchester United ay si dhow u daba socoto xaaladda Scott McTominay, oo ah ciyaaryahankoodii hore kana ciyaara hadda Napoli, kadib markii uu bandhig fiican ka sameeyay tan iyo markii uu u wareegay horyaalka Talyaaniga.

Isla warbixinta ayaa xaqiijisay in dhowr kooxood, oo ay ka mid yihiin Newcastle United iyo Tottenham Hotspur, ay si dhow ula socdaan xaaladdiisa, halka Barcelona ay sidoo kale muujisay xiise dhab ah, inkasta oo fursadda uu kaga tagi karo Napoli waqtigan aysan aad u weynayn.

Waxaa la sheegay in McTominay uu ku faraxsan yahay noloshiisa Napoli, isla markaana kooxda aysan qorsheynayn inay iibiso. Si kastaba ha ahaatee, dalab gaaraya ugu yaraan 50 milyan oo yuuro ayaa keeni kara in maamulka Napoli ay tixgeliyaan suuragalnimada fasaxa ciyaaryahanka, inkasta oo aan weli la cayimin qiimo rasmi ah.

Wararka ayaa intaa ku daray in Manchester United ay diyaar u tahay inay dib u soo celiso McTominay, halka kooxaha kale ay sugayaan xaaladda. Ciyaaryahanka laftiisu ma degdegsana inuu baxo, taasoo ka dhigan in mustaqbalkiisu uu ku xirnaan doono dalab rasmi ah oo miisaan leh oo ka yimaada mid ka mid ah kooxaha xiiseynaya.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga