Man City Vs Man United? Paul Merson Oo Saadaaliyay Kulanka Manchester Derby.

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa saadaaliyay kulanka adag ee sabtida dhexmari doona kooxaha Man United Iyo Man City ee premier League.

Old Trafford ayaa noqon doona masraxa uu Pep Guardiola ku cabbiro xeeladdiisa marka uu la tacaalayo tababaraha cusub ee la magacaabay Michael Carrick, kaas oo loo igmaday inuu dejiyo oo toosiyo markabka mar walba ruxmaya ee Manchester United.

Man City ayaa doonaysa in ayna mar kale dhibco lumin maadama ay haatan 6 dhibcood ka dambayso hogaamiyayaasha horyaalka ee Arsenal.

“Badanaa kulamada derbiga, qaab-ciyaareedka  waa la iska illoobaa. Laakiin kulankan sidaas ma aha, sababtoo ah si daacad ah, wax kale ma arko marka laga reebo guul ay Manchester City gaarto! Aad ayaan ula yaabi doonaa hadii ay Man United wax kala baxdo kulanka”.

“Labadii ama saddexdii derby ee ugu dambeeyay, tartanku wuu ka sinnaaday marka la eego in aan ogayn in Manchester United ay fursad lahaan karto. Hadda sidaas ma oran karo. Ha i fahmin si qaldan, weli waxaan u maleynayaa in City ay fursado badan bixiyaan. Laakiin weerarkooda ayaa aad uga horreeya, wuxuuna noqon doonaa mid aad ugu culus United”.

“Magacaabista Michael Carrick ee tababare ku-meel-gaar ah waxay Manchester United siisay waqti. Hadda waa inay hubiyaan inay go’aan sax ah gaaraan marka ay dooranayaan tababare rasmi ah. Xalka xitaa wuxuu noqon karaa Carrick laftiisa—yaa og?.

Merson ayaa sheegay in ay Man City 3/1 kaga badin doonto kooxda ay dariska yihiin ee Man United.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga