Man City Oo Xasuuqday Newcastle Iyo Marmoush Oo Premier League Is Baray.

Kooxda Man City ayaa garaacday Newcastle kulan ka dhacay Etihad kana tirsnaa premier League.

Xiddiga cusub ee kooxda Man City Omar Marmoush ayaa wacdaro dhigay kulanka isaga oo is baray premier League.

Marmoush ayaa daqiiqadii 19-aad Iyo 24 Iyo 33-aad kala dhaliyay saddexleydiisii ugu horaysay ee premier League.

Kooxda Man City ayaa dhinac walba kaga fiicnayd kooxda Newcastle kuwaas oo ku dhibaatootay in ay iska caabiso City.

Xiddiga James McATee ayaa dhaliyay goolkii 4-aad ee kooxdiisa daqiiqadii 84-aad waxana uu kooxdiisa ku hogaamiyay guul weyn.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga