Man City Oo Liverpool Ka Tuurtay Kaalinta 2-aad Kadib Xasuuqii Brighton.

Kooxda Man City ayaa guul weyn ka Gaadhay kooxda Brighton kulan ka tirsanaa horyaalka premier league.

City ayaa si buuxda ula wareegtay kaalinta 2-aad ee premier league.

Man city ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga Oo doonayay in ay dhaliyaan goolal Wakhti hore ah.

Kevin De Bruyne ayaa daqiiqdii 17-aad dhaliyay goolka furitaanka isaga Oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Phil Foden ayaa dhaliyay laba gool Oo deg-deg ah isaga Oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay City sii waday dadaalka ay ugu jirto goolal kale.

Xiddiga Julian Alvarez ayaa daqiiqdii 64-aad dhaliyay goolka 4-aad ee Kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaantay ciyaarta Oo ay Man City gaadhay kaalinta 2-aad

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga