Man City Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Ruben Dias

Wariye David Ornstein ayaa soo wariyay in Manchester City ay heshiis cusub ka saxiixatay daafaca reer Portugal ee Ruben Dias kaas oo qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah.

Ornstein ayaa sheegay in heshiiska cusub uu ujeedkiisu yahay in la kordhiyo xiriirka labada dhinac muddo dheer, iyadoo la wanaajinayo shuruudaha maaliyadeed iyo gunnooyinka waxqabadka.

Diaz, oo 28 jir ah, ayaa haatan qandaraas kula jira ilaa June 2027, laakiin maamulka kooxda ayaa go’aansaday inay xilli hore u dhaqaaqaan sidii ay u sugi lahaayeen mustaqbalka daafaca dhexe ee Portugal, kaasoo tiir muhiim ah u ah kooxda Ingiriiska.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga