Manchester City ayaa caawa laga yaasaday markii guuldarro lama filaan ah ah ay kasoo gaartay kooxda Bournemouth kulan katiran ciyaaraha 10-aad ee Premier League.
Pep Guardiola ayaa hadda la kulmay guuldarradii ugu horeysay ee xili ciyaareedkaan Premier League, waxaana hadda jirin koox horyaalka England ka dhisan oo guuldarro la aan ah.
Bournemouth ayaa hogaanka u qabatay City, Antoine Semenyo ayaa kubbada cagtiisa ka baxday ku dhaliyay gool lama filaan ahaa.
Kooxda Andoni Iraola ayaa si weyn isugu xirneyd qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana layaab leh in sida ay ugu isugu taagee Man City oo badisay 7 kamid ah sagaalkii kulan ee horyaalka xili ciyaareedkaan.
Qeybta hore ayaa lagu kala nastay iyadoo Man City la dhibtooneyso goolka ka dhashay, laakiin taageerayaasha ayaa ugu yaraan kalsooni ka qabay isbedelada uu sameyn karo Guardiola.
Laakiin soo laabashada qeybta labaad ee Bournemouth ayaa hogaanka ka dhigtay 2-0 taas culeys intiisa la eg ayay ku aheyd Man City.
Evanilson ayaa dhaafiyay goolka labaad goolhayaha Man City Ederson, durba taageerayaasha waxaa usoo baxay in kooxdan soo dishay Liverpool iyo Arsenal habeen kale oo wacan qaadan karto.
Man City ayaa 8 daqiiq ka hor dhamaadka ciyaarta waxaa gool usoo celiyay Josko Gvardiol,
madax aad u sareeya ayuu dhaafiyay goolhaaha Bournemouth.
CIty waxay bilowday in ay hami ka yeeshay natiijada ciyaarta, si ay usii ilaashadaan hogaanka Premier League.
Balse guud ahaan ciyaarta ayaa kusoo dhamaaday 2-1 oo looga badiyay Man City, oo ay ku dhacday guuldarradii ugu horeysay xili ciyaareedkaan.
Be the first to comment