
Kooxda Nottingham Forest ayaa garaacday Man City kulan ka tirsanaa premier league.
Kulanka ayaa ahaa mid ay Man City maamulayso ciyaarta xilli ay Forest ciyaaraysay Daafac.
Man City Ayaa ku dhibaatootay weerarka iyada oo dhaafi Wayday daafaca adag ee Nottingham Forest.
Wax walba waxa ay u muuqatay in ay ciyaarta ku dhamaanayso bar-baro gool la’aan ah.
Nottingham Forest ayaan samayn fursado badan marka la eego in ay Daafac ku jireen si ay city ugu diidaan in ay dhaliyaan goolal.
Daqiiqadii 83-aad ayay Forest dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Hudson-Odoi kaas oo ciyaarta ka Dhigay 1/0.
Waxa sidaaas ku dhamaysatay ciyaarta oo ay Nottingham Forest guul ka gaadhay kooxda Man City.
Be the first to comment