Man City Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Chelsea.

Kooxda Man City ayaa Garaacday Chelsea kulan ka dhacay Etihad kulan ka tirsanaa premier league.

Man City ayaa ku bilaabatay si aad u xun iyada oo daafacyadeedu samaynayeen khaladaad badan.

Chelsea oo ka faa’iidaysanaysa khaladaadka ayaa ku qaadaysay Man City weeraro aan kala joogsi lahayn.

Chelsea ayaa dhalisay goolka 1-aad daqiiqadii 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Madueke kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Man City ayaa isku dayday in ay soo laabato laakiin uma suurtagalin.

Kooxda Man City ayaa daqiiqadii 42-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Gvardiol kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Man City ahayd kooxda fiican iyaga ka awood badnaa kooxda Chelsea.

Daqiiqadii 68-aad ayay Man City dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Haaland kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Kooxda Pep Guardiola ayaan halkaas ku joogsan waxana ay raarinayeen goolal kale.

Daqiiqadii 87-aad ayay Man City dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Foden kas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Waxa sidaa ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City Gaadhay guulo muhiim ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga