Man City Oo Guul Ka Gaartay Nottingham Forest Lana Wareegtay Hogaanka Premier League.

Guul qaali ah ayay Manchester City ka gaartay dhiggeeda Nottingham Forest kadib markii ay 2–1 ku dubteen, kulan ka tirsanaa wareegga 18-aad ee horyaalka Ingiriiska.

Manchester City ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 48-aad, waxaana goolka u dhaliyay Tijjani Reijnders, halka Nottingham Forest uu barbaraha keenay daqiiqaddii 54-aad kadib gool uu dhaliyay Omari Hutchinson.

Daqiiqaddii 83-aad ayay Manchester City dhalisay goolka guusha, waxaana shabaqa soo taabtay Rayan Cherki oo ku dhaliyay laad qurux badan oo ka timid bannaanka xerada ganaaxa.

Guushan kadib, Manchester City ayaa dhibcaheeda gaarsiisay 40 dhibcood iyagoo si ku-meel-gaar ah hoggaanka u haya, halka Nottingham Forest uu ku haray 18 dhibcood kana jiro kaalinta 17-aad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga