Kooxda Manchester City ayaa guul qiimo leh ka gaartay Sunderland iyagoo 3-0 ku adkaaday, kulan ka tirsanaa wareegga 15-aad ee Premier League-ka, kaas oo ka dhacay Etihad Stadium.
Manchester City ayaa hoggaanka ku qabatay Ruben Dias daqiiqaddii 31-aad ka dib baas uu u sameeyay Rayan Cherki.
Jocško Gvardiol ayaa dhaliyay goolka labaad daqiiqaddii 35-aad isagoo ka helay kubad uu siiyay Phil Foden.
Daqiiqaddii 66-aad, Phil Foden ayaa isagu dhaliyay goolka saddexaad, markan isagoo baas ka helay Cherki. Intaas kadib, ciyaaryahanka Sunderland Luke O’Nien ayaa casaan loo taagay daqiiqaddii 90+5 ka dib markii uu si xooggan ugu dhacay ciyaaryahan ka tirsan City.
Manchester City waxay yeelatay 31 dhibcood oo ay ku gashay kaalinta labaad, laba dhibcood oo keliya ayay ka hooseeyaan Arsenal oo maanta guuldaro kala kulantay kooxda Aston Villa.
Be the first to comment