Manchester City ayaa guul weyn ka gaartay Manchester United isagoo ku garaacay 3–0, kulanka ugu weyn ee wareegga afraad ee horyaalka Premier League, taasoo mar kale muujisay awoodda City ee Derby-ga Manchester iyo soo celinta kalsoonida kadib bilow xun oo xilli ciyaareedkan.
Phil Foden ayaa goolka koowaad u dhaliyay kooxda martida loo ahaa daqiiqaddii 18-aad kadib baas fiican oo uu ka helay Jeremy Doku.
Weeraryahanka reer Norway Erling Haaland ayaa goolka labaad dhaliyay horaanta qeybta labaad daqiiqaddii 53-aad, ka hor inta uusan mar kale shabaqa soo taabanin isagoo dhaliyay goolka saddexaad oo gebi ahaanba jabisay rajadii Manchester United ee iney soo laabtaan.
City ayaa soo bandhigtay ciyaar isku dheelitiran oo u dhaxeysa weerar iyo difaac, waxayna si buuxda ugu gacan sarreysay ciyaarta iyadoo adeegsaneysa kubad-haynta iyo cadaadiska sare.
Waxay si fiican uga faa’iideysteen boosaska bannaan ee khadka dhexe ee United oo aan lahayn tiro iyo tayo.
Dhanka kale, kooxda martida ahayd (United) waxay u muuqdeen kuwo aan haysan wax xal ah, waxaana ku adkaatay iney khatar geliyaan goolka Man City.
Guushan ayaa keentay in Manchester City ay yeelato 6 dhibcood oo ay ku jirto kaalinta 8-aad, halka Manchester United ay ku sii negaatay 4 dhibcood iyo booska 14-aad ee kala sarreynta horyaalka.
Be the first to comment