Manchester United ayaa gaartay guul muhiim ah oo xamaasad leh oo 3–2 ah oo ay ka gaartay Arsenal kulankii wareegga 23-aad ee Horyaalka Ingiriiska Premier League, kaasoo dhacay fiidnimadii Axaddan garoonka Emirates Stadium.
Arsenal ayaa ku haray 50 dhibcood hoggaanka horyaalka, iyadoo 4 dhibcood ay ka sarreyso Manchester City oo ku jirta kaalinta labaad, halka Manchester United ay kor u qaadday dhibcaheeda ilaa 38, kuna jirta kaalinta afraad.
Arsenal ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 30-aad, markii kubbad ay gaartay Ødegaard gudaha xerada ganaaxa, wuxuuna tuuray kubbad ku dhacday Lisandro Martinez taasoo si khalad ah ugu dhacday shabaqa goolkiisa.
Daqiiqaddii 37-aad, Manchester United ayaa dhalisay goolka barbaraha iyada oo uu dhaliyay Bryan Mbeumo, kadib qalad difaac, halka Patrick Dorgo uu dhaliyay goolka labaad ee hoggaanka daqiiqaddii 51-aad, isaga oo tuuray laad aan la joojin karin oo qurux badan.
Daqiiqaddii 84-aad, Arsenal ayaa dhalisay goolka barbaraha iyada oo uu dhaliyay Mikel Merino, kadib kubbad koorno ah oo lagu soo tuuray xerada ganaaxa, jahawareer difaac kadibna kubbadda ayaa gaartay Merino oo shabaqa geliyay ka hor inta uusan Sisco ka sifeyn, balse kubbadda mar hore ayay ka gudubtay xariiqda goolka.
Manchester United ayaa dhalisay goolkeedii saddexaad daqiiqaddii 87-aad, markii Matheus Cunha uu helay kubbadda, horay ula dhaqaaqay, kana tuuray bannaanka xerada ganaaxa, taasoo shabaqa gashay kana gudubtay goolhayaha David Raya.
Be the first to comment