
Manchester City iyo Real Madrid ayaa ku kulmi doona tartanka champions league lugta 1-aad ee is reeb-reebka.
Man City ayaa Marti galinaysa kooxda Real Madrid kulanka muhiim u ah kooxda Pep Guardiola.
Labada kooxood ayaa ku kulmaya xilli ciyaareedkii afaraad oo xiriir ah tartanka iyada oo xafiiltanka curdinka ah uu sii xoogaysanayo oo u dhexeeya Pep Guardiola iyo Carlo Ancelotti.
Xiddiga khadka dhexe ee cusub kooxda Nico Gonzalez ayaa dhaawac ku sheegaya kulanka.
Nico Gonzalez ayaa ku Dhaawacmay kulankii ugu dambeeyay ee uu u ciyaaray kooxdiisa.
Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah Man City markan la eego in ay kooxdu u baahantahay xiddiga.
Be the first to comment