Man City Oo Daqiiqadihii Geerid Ka Badiyay Wolves

Kooxda Man City ayaa guul wakhti dambe ah ka gaadhay kooxda Wolves kulan ka tirsanaa premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid ah Man City ahayd kooxda fiican isla markaas wax walba u samaysay sidii ay u badin lahayd.

Kooxda Wolves ayaa gool wakhti hore ah ka dhalisay ciyaarta waxana u dhaliyay Jorgen Strand Larsen kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Man City ayaa bilowday in ay raadiso bar-baraha iyaga oo wax walba u sameeyay sidii ay u keeni lahayd bar-baraha.

Kooxda Wolves ayaa dhinaceeda ciyaaraysay weerar rogaal celis ah iyaga oo doonayay in ay xejistaan natiijada siina dheeraystaan natiijada.

Daqiiqadii 33-aad ayay Man City dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay Josko Gvardiol kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Kooxda Man City ayaa wixii intaas ka dambeeyay raadinaysay goolka guusha halka ay Wolves daafac ku jirtay.

Daqiiqadii 90+5-aad ayay Man City dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay John Stones kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City guul wakhti dambe ah ka gaadhay kooxda Wolves iyaga oo hogaanka premier League la wareegay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga