Man City Oo Chelsea Kula Biirtay Baacsiga Xiddiga Aad Loo Qiimeeyo.

Manchester City ayaa soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa Xavi Simons oo ka tirsan RB Leipzig xagaagan.

Tan waxa u sabab ah ka tagistii Savinho ee Etihad.

Tottenham Hotspur ayaa si aad ah u dooneysa saxiixa Savinho waxayna wadahadalo la furtay kooxda ay ku xafiiltamaan Premier League.

Iyadoo xiddiga reer Brazil uu doonayo inuu baxo, City ayaa haatan dooneysa inay ku beddesho Xavi.

Sida laga soo xigtay Mercato, waxay dib u soo celiyeen xiriirkii wakiilka super Ali Barat iyagoo isku dayaya inay Xavi ku garaacaan Chelsea.

Blues ayaa wadahadalo kula jirtay xiddiga khadka dhexe muddo todobaadyo ah, laakiin wali wax horumar ah lagama gaadhin.

22-sano jirkaan ayaa hadda isku arki kara dagaal dhexmara kooxaha City iyo Chelsea.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga