Man City Oo Ay Soo Wajahday Xaalada Cabsi Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay Erling Haaland

Xiddiga Man City ee Erling Haaland ayaa la arkay isaga oo ka baxay garoonka isaga oo ku boodaya biraha dhaawaca kadib guushii ay kooxda Man City ka gaadhay Bournemouth kulan ka tirsanaa FA Cup-ka.

Isagoo dhaliyay goolkii ugu horreeyay ee City ugu dambeyntii 2-1, Haaland wuxuu u muuqday mid ka dhaawacmay kuraanta kadib markii ay isku dheceen xiddiga Bournemouth ee Lewis Cook.

Xiddiga reer Norway ayaa u muuqday mid dareemaya xanuun waxana lagu badalay Omar Marmoush kaas oo dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta.

ciyaarta kadib waxa la arkay Haaland oo xidhan kabaha ilaaliya lugta waxana uu garoonka ka baxay isaga oo ku boodaya biro.

Markii la weyddiistay war cusub oo ku saabsan Haaland ka dib markii la maqlay seerigii ugu dambeeyay tababaraha Man City ayaa yidhi”Ma garanayo wali waa in aan eegno xaaladiisa”.

Dhaawaca Haaland ayaa haatan shaki ku jiraa kulanka ay la ciyaari doonaan Man United 6 Bisha soo socota kuna began todobaadka dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga