Kooxda Manchester City ayaa gaartay guul aad u weyn kaddib markii ay 10–1 ku xasuuqday dhiggeeda Exeter City, kulankii wareegga saddexaad ee Koobka FA-ga Ingiriiska oo ka dhacay garoonka Etihad.
Manchester City ayaa goolka furitaanka dhaliyay daqiiqaddii 12-aad, waxaana u dhaliyay Maxen Alis, halka Rodri uu keenay goolka labaad daqiiqaddii 24-aad. Intaas kaddib, Jake Doyle iyo Jack Fitzwater ayaa si khalad ah uga dhaliyay kooxdiisa 2 gool.
Rico Lewis ayaa dhaliyay goolka shanaad daqiiqaddii 49-aad, halka Antoine Semenyo uu keenay goolka lixaad daqiiqaddii 54-aad. Tijjani Reijnders ayaa dhaliyay goolka toddobaad ee City daqiiqaddii 71-aad.
Daqiiqaddii 79-aad, Nico O’Reilly ayaa dhaliyay goolka siddeedaad, halka Ryan McAidoo uu keenay goolka sagaalaad daqiiqaddii 86-aad. Exeter City ayaa hal gool soo celisay daqiiqaddii 90-aad, waxaana u dhaliyay George Birch, halka Rico Lewis uu dhameystiray tobankii gool ee City daqiiqaddii 90+1.
Be the first to comment