Glen Johnson ayaa aaminsan in Liverpool ay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League 2024-25, waxaana uu saadaaliyay cidda ku dhameysan doonta kaalinta labaad, seddexaad iyo afaraad.
Liverpool ayaa haatan hogaanka horyaalka ku haysa 35 dhibcood kadib 14 kulan oo ay ciyaartay iyada oo hal kulan baaqi u yahay.
Blues ayaa leh 31 dhibcood waxaana ay ku jiraan kaalinta 2-aad mid loo arko qaab ciyaareed cajiib ah.
Gunners oo si xanuun badan ugu dhawaatay in ay ku guulaysato premier Leageu 2-dii sano ee ugu dambeeyay ayaa ku jirta kaalinta 3-aad iyaga oo leh 29 dhibcood.
Dhanka kale, City oo ku guuleysatay lix ka mid ah todobadii horyaal ee ugu danbeysay ee Premier League, ayaa ku jirta kaalinta afaraad iyagoo leh 27 dhibcood, xilli ay hoos u dhaceen xilli ciyaareedkan Pep Guardiola.
Johnson ma filayo inuu arko isbedel badan oo imaanaya dhamaadka xilli ciyaareedka, laakiin wuxuu qabaa in Arsenal ay ku dhamaysan doonto kaalinta 2-aad isla markaas chelsea kala bixi doonto booska.
“Uma maleynayo inaad chelsea ka saari karto tartanka premier Legaue”ayuu Johnson u sheegay Betfred.
“Arsenal waxa ay ku dhamaysan doontaa kallinta 2-aad halka ay Liverpool ku dhamaysan doonto kaalinta 1-aad kuna guulaysan doonto horyaalka”ayuu yidhi.
“Chelsea ayaa ku dhamaysan doonta kaalinta 3-aad, Man City-na waxa ay ku dhamaysan doontaa kaalinta 4-aad”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment