Madaxweynihii hore ee kooxda Barcelona, Joan Gaspart, ayaa farriin adag u diray xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi, isaga oo sheegay in Barcelona ay ka weyn tahay qof kasta, isla markaana ay tahay in xiddigu uusan illoobin qiimaha iyo doorka ay kooxdu ku lahayd xirfaddiisa ciyaareed.
Gaspart ayaa hadalkan jeediyey kaddib markii ay soo baxeen baaqyo ku saabsan in Barcelona ay si sharaf leh u maamuusto Messi, kaas oo kooxda ka tegay sannadkii 2021, markaas oo uu si xor ah ugu wareegay Paris Saint-Germain.
Messi ayaa haatan u ciyaara Inter Miami, waxaana xiriirka ka dhexeeya isaga iyo madaxweynaha hadda ee Barcelona, Joan Laporta, uu sannadihii dambe ahaa mid uu hareeyey khilaaf iyo xiisad.
Gaspart oo la hadlay warbaahinta Viva Barca ayaa marka hore ammaanay Messi, isaga oo ku tilmaamay ciyaaryahan aan wax shaki ah ku jirin, mid heer sare ah iyo ciyaaryahankii ugu fiicnaa adduunka.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu farriintiisa ku adkeeyey in Messi uu xusuusto in Barcelona ay ka weyn tahay isaga iyo shaqsi kasta oo kale.
“Messi waa ciyaaryahan weyn, waana kan ugu fiican adduunka. Laakiin waxaa jira hal arrin oo aan la ilaawi karin: Barcelona ayaa Messi ka weyn, waana inuu taas ka digtoonaadaa,” ayuu yiri Gaspart.
Wuxuu intaas ku daray in hadalkiisu ka imanayo jacaylka taariikhiga ah ee uu u qabo Messi, isaga oo xusay inuu heshiis la galay xiddiga reer Argentina markii uu jiray 13 sano, xilligii uu isagu madaxweynaha ka ahaa Barcelona.
Gaspart ayaa sidoo kale sheegay in guulaha waaweyn ee Messi uu gaaray ay qayb ka ahayd kaalintii ay Barcelona ku lahayd horumarkiisa, inkasta oo uusan cayimin inta ay le’eg tahay saamiga kooxda.
Gaspart oo ka carooday in Messi uusan Barcelona ku sagootin
Qodobka ugu weyn ee uu Gaspart ka hadlay ayaa ah in Messi uusan weli si rasmi ah ugu soo laaban garoonka Barcelona si uu u sagootiyo taageerayaasha kooxda, kaddib bixitaankiisii lama filaanka ahaa ee sannadkii 2021.
Wuxuu sheegay in uu weli Messi siinayo waqti, balse ay iman doonto maalin uu aad uga xumaan doono haddii xiddigu uusan dadaal u gelin sidii uu taageerayaasha Barcelona u macsalaamayn lahaa.
Gaspart ayaa ku adkeystay in Messi ay waajib ku tahay inuu yimaado oo uu sagootiyo kooxda, iyada oo aan loo eegin qofka xilka madaxweynaha haya.
“Waxaan leeyahay, madaxweynaha uu doono ha joogo, shakhsiyadda uu doono ha lahaadee, Messi waa inuu yimaadaa oo uu Barcelona sagootiyaa,” ayuu yiri Gaspart.
Wuxuu sidoo kale su’aal geliyey haddii Messi uu diidi karo inuu Barcelona yimaado inta uu Joan Laporta madaxweynaha yahay, balse uu soo laaban karo oo keliya marka Laporta xilka ka dego.
Gaspart ayaa ugu dambayn sheegay inuusan isagu ka qayb geli doonin xaflad maamuus ah oo Messi loo qabto haddii xiddigu sugo ilaa Laporta uu xilka ka tago.
Hadalladan ayaa mar kale soo nooleynaya doodda ku saabsan xiriirka Messi iyo Barcelona, iyo sida ay kooxda reer Spain u maamuusi doonto mid ka mid ah ciyaartoydii ugu waaweynaa taariikhdeeda.

