Madaxweynaha Xidhiidhka Brazil Oo Qaadaya Tallaabo Waali Ah, Muxuu Samaynayaa.

Is Badal weyn ayaa la filayaa in uu ka dhoco xulka Qaranka Brazil iyada oo la soo saaray wado kale oo lagu xulayo xiddigaha matali doona xulka qaranka.

Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa buuq weyn dhaliyay ka dib markii uu soo jeediyay siyaasad xagjir ah oo xulashada looga reebi doono xiddigaha reer Brazil ee ka ciyaara qaarada yurub sida Alisson, Casemiro, Vinicius Junior iyo Endrick.

Tallabadan la yaabka leh ayuu madaxweynaha xidhiidhka kubada cagta Brazil ku sheegay in fursad la siiyo xiddigaha ka ciyaara dalka Brazil dhexdooda.

“Brazil, waxaa jira ciyaaryahano wanaagsan oo leh tayada xiddigaha ka ciyaara yurub sidaas darteed waa in fursad la siiyo xiddigaha ka ciyaara dalka dhexdiisa”.

Arintan ayaa imanaysa kadib markii xulka Brazil ay guul 2/1 ah ku hogaamiyeen xiddigaha ka ciyaara horyaalka Brazil ee Luiz Hinrique iyo Igor Jesus.

Brazil ayaa 2/1 uga badisay xulka chile kulan ka tirsanaa isreeb-reebka koobka Adduunka ee sanadka 2026.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga