Maamulka Manchester United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Ten Hag

Manchester United ayaan cayrin doonin Erik ten Hag ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan inkasta oo uu sii kordhayo cadaadiska saaran tababaraha reer Holland Kadib ceebtii kulankii Fa Cup-ka.

Man United Ayaa bar-baro la gashay kooxda Coventry City kulan ay Red Devils ku Hor martay 3 Gool ka Hor inta ayna guul rikoodhayaal ah ku badin.

Kadib natiijada Ten Hag iyo Kooxdiisa ayaa wajahay dhaleecayn xoogan iyaga Oo shaki la galinayo Mustaqbalka Ten Hag.

Sida laga Soo xigtay wargayska The Guardian shaqada Ten ayaa ah mid amaan ah tan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga