Maamulka Manchester United oo doortay Macalinka ay ku badalayaan Carrick

0

Fabrizio Romano ayaa shaaca ka qaaday in madaxda Manchester United ee INEOS ay Unai Emery u arkaan tababaraha “ugu habboon” ee mustaqbalka kooxda, haddii Michael Carrick xilka laga qaado.

United ayaa cadaadis weyn ku jirta kaddib guuldarradii 2-0 ee Chelsea, iyadoo kooxda ay hal boos oo keliya ka sarreyso aagga looga haro Premier League. Si kastaba, wararka hadda jira waxay sheegayaan in INEOS ay weli taageersan tahay Carrick, islamarkaana aysan qorshaynayn inay shaqada ka cayriso ka hor fasaxa kulamada caalamiga ah.

Advertisment

Romano wuxuu sheegay in shaqsiyaad awood badan ku leh Old Trafford ay si weyn ula dhacsan yihiin Unai Emery, ayna u arkaan ninka ku habboon inuu dhiso mustaqbalka Manchester United.

Caqabadda ugu weyn ayaa ah Aston Villa, oo aan doonayn inay lumiso Emery. Maamulka Villa ayaa tababaraha reer Spain u arka shaqsi muhiim u ah qorshaha hadda iyo mustaqbalka kooxda, isagoo awood ballaaran ku leh maamulka dhinaca ciyaaraha.

Emery ayaa sumcad weyn ku yeeshay Villa, isagoo kooxda si joogto ah ugu hoggaamiyay Champions League, isla markaana kula guuleystay Europa League xilli ciyaareedkii hore.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here