Maaha Viktor Gyokeres? Arsenal Oo Loo Sheegay Xiddigii Ay Ahayd In Ay U Dhaqaaqdo

Halyeeyga Arsenal Tony Adams ayaa sheegay in ay Arsenal ahayd in ay la Soo saxiixato xiddiga Ollie Watkins halkii ay kala Soo saxiixatay Viktor Gyokeres suuqa Xagaaga.

Gunners ayaa la Soo saxiixatay weeraryahan iyaga oo Xilli Ciyaareerdkii 5-aad galaya iyaga oo aan wax koob ah ku guulaysan.

Inkasta oo Mikel Merino iyo Kai Havertz ay si fiican u buuxiyeen Booska weerarka Mikel Arteta ayaa suuqa u galay weeraryahan Cusub si uu ugu xoojiyo kooxdiisa.

Arsenal ayaa lala xidhiidhinayay xiddigo badan oo weerarka ka Ciyaara oo uu ka mid yahay Watkins laakiin waxa ay u dhaqaaqeen xiddiga Gyokeres oo ay kala Soo wareegeen Sporting Lisbon.

Gyokeres ayaa wacdaro ka dhigay Sporting Lisbon isaga oo dhaliyay 97 Gool 102 kulan oo uu ciyaaray.

Laakiin waxaa jira calaamado su’aal ku saabsan in uu xiddigu isku muujiyay ka Hor tagista daafacyada ugu Fiican adduunka.

Dadka ka walaacsan xiddiga waxa ka mid ah xiddigii hore ee kooxda Arsenal Tony Adams kaas oo tilmaamay xiddig ay ahayd in ay u dhaqaaqdo saxiixiisa.

“Gyokeres, waa wiil cajiib ah laakiin wali ma hubo in la tijaabiyay”.

“Waxaan jeclaan lahaa in ay u dhaqaaqaan saxiixa Ollie Watkins, waa taageere Gunners ah,  waxa uu noo Ciyaari lahaa laba sano waxana uu nagu hogaamin lahaa horyaalka”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga