![image_2025-02-05_180128024](https://i0.wp.com/kooxda.com/wp-content/uploads/2025/02/image_2025-02-05_180128024.png?resize=678%2C381&ssl=1)
Daafaca bidix ee kooxda Manchester United Luke Shaw ayaa lagu soo waramayaa inuu dib u dhac ku yimid isku daygiisii ahaa inuu ka soo laabto dhaawac uu muddo dheer garoomada ka maqnaa.
Shaw ayaa kaliya shan kulan u saftay Man United 12-kii bilood ee la soo dhaafay ka dib markii uu dhaawac soo gaadhay.
Daafaca bidix ayaa lagu arkay tababarka todobaadkii hore waxana la filayay in uu ku soo laabto shaxda Amorim, laakiin waxa jira war sheegaya in uu dhaawac kale soo gaadhay Shaw.
Waxa la sheegayaa in uu xiddigu garoomada ka maqnaan doono muddo bil ah oo kale kadib dhaawaca soo gaadhay.
Laakiin wargayska MailOnline ayaa sheegaya in aanu dhaawacu ahayn mid halis ah.
Dhinaca kale wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in uu Shaw ku soo laaban doono tababarka isniinta taas oo hoos u dhigaysa halista dhaawaca.
Be the first to comment