
Wargeysyada Spain ayaa shaaca ka qaaday mowqifka xiddiga reer Colombia ee Luis Díaz, garabka Liverpool, ee ku aadan u dhaqaaqista Barcelona.
Laacibka 28 jirka ah ayaa Reds kula jira heshiis dhacaya June 2027.
Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka ee “Mundo Deportivo,” Luis Díaz ayaa ka fiirsanaya inuu u dhaqaaqo Barcelona, isagoo ogolaaday shuruudaha uu ugu wareegayo kooxda Catalan.
Wargeyska Isbaanishka ayaa sii waday in Barça iyo Liverpool aysan wali heshiis gaarin.
Mundo Deportivo ayaa sii wadata in mid ka mid ah agaasimayaasha Isboortiga ee Barça uu mudnaanta siinayo saxiixa Diaz si loo xoojiyo dhanka bidix ee weerarka.
Wargeyska Isbaanishka ayaa carabka ku adkeeyay in qiimaha xiddiga Colombia uu yahay ku dhawaad 85 milyan oo euro.
Be the first to comment