
Ciyaaryahanka weyn ee Real Madrid Luis Figo ayaa ku qiimeeyay PSG inay tahay kooxda ugu cadcad Champions League.
PSG ayaa semi-finalka ku wajihi doonta Arsenal, iyadoo lugta hore la ciyaari doono usbuuca soo socda.
Figo, oo ah safiirka Laureus Academy, ayaa ka qayb qaatay miiska wareega ee Palacio de Cibeles wuxuuna ku dhawaaqay: “Aniga ahaan, Paris Saint-Germain ayaa ah kuwa ugu cadcad.
“Waxay marayaan natiijooyin xiriir ah oo joogto ah, jir ahaana qaab ciyaareed fiican ayey ku jiraan. Laakiin way adag tahay in la saadaaliyo, ma dareemayo inaan si hubaal ah u idhaahdo cidda guulaysan doonta.”
Kooxda PSG Ayaa raadinaysa koobkii ugu horeeyay ee tartanka champions League.
Be the first to comment