Luis Enrique Oo Shaaciyay Kooxda Uu Doonayo In Ay Ku Guulaysato Champions League Kadib Ka Hadhista Kooxdiisa PSG.

Luis Enrique ayaa doonaya in Borussia Dortmund Ay ku guulaysato champions League xilli ciyaareedkan ka dib markii ay kooxdiisa PSG ku reebtay semi-finalka.

Kooxda heysata horyaalka Faransiiska ayaa ugu cadcadayd inay gaarto finalka, lakiin labo guul darro 1-0 ah ayay kala kulmeen Dortmund waxana ay ka hadheen tartanka.

Dortmund ayaan ku guulaysan koobka n ilaa 1997 waxana ay haatan midkood la ciyaari doonaan Real Madrid ama Bayern Munich Final-ka tartanka.

Tababarihii hore ee Spain iyo Barcelona ayaa haatan ‘rajaynaya’ in Dortmund ay ku guulaysato champions League xilli ciyaareedkan.

“Marka ay natiijadu sidaas noqoto, haa way adag tahay dabcan,” Enrique oo niyad jabsan ayaa u sheegay TNT Sports.

“Laakin hambalyo iyaga. Waa koox weyn, shaqo fiican ayay qabteen, waxaana rajeynayaa inay ku guulaystaan tartanka”yuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga