Luis Enrique Oo Go’aan Laga Gaadhay Mustaqbalkiisa PSG Haddii Ay Caawa Ka Hadhaan Champions League

Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain waxay go’aan ka gaadhay mustaqbalka tababare Luis Enrique oo warka loosii caddeeyey waxa laga yeelayo haddii caawa ay kooxdiisu ku guul-darraysato inay usoo gudubto wareegga 16ka tartanka Champions League, taas oo ay u baahan yihiin kaliya inay ka badiyaan Borussia Dortmund oo mar horeba soo gudubtay.

Paris Saint-Germain ayaa macasalaamayn doonta tartanka haddii ay guul-darro kala kulmaan Borussia Dortmund, sidoo kalena ay kala badiyaan Newcastle United iyo AC Milan oo min laba dhibcood ka dambeeya.

PSG oo ku dhibaatoonaysay fagaareyaasha Yurub tan iyo markii uu ka tegay Thomas Tuchel oo gaadhsiiyey finalka Champions League oo ay Bayern Munich ka qaadday, ayaa waxa labadii macallin ee Pochettino iyo Galtier ay ku rafaadeen sidii ay uga soo tallaabin lahaayeen wareegyada 16ka iyo siddeedda.

Xilli-ciyaareedkii hore, waxa PSG ay ku hadhay wareeggii 16ka oo ay Bayern Munich ku garaacday, halka haddana ay ku dhibaatoonayaan sidii ay uga soo gudbi lahaayeen marxaladda koowaad, waxaanay rajadoodu ku xidhan tahay in caawa ay ka adkaadaan Borussia Dortmund, taas oo keeni doonta inay kaalinta koowaad kaga soo baxaan Group-ka dhimashada.

Madaxweynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa la sheegay in iyadoo natiijada ciyaarta caawa ee muhiimka ah aanay soo bixin uu sii gaadhay go’aanka mustaqbalka tababare Luis Enrique, waxaana uu u sheegay in aanu shaqada ka caydhin doonin xataa haddii ay ka hadhaan tartanka.

Luis Enrique oo heshiis laba sannadood ah u saxeexay PSG, isla markaana xilli-ciyaareedkiisii koowaad maamulaya, ayaa waxa uu kusii negaan doonaa Parc des Prince, mana saamayn doonto natiijada ciyaarta caawa, sida ay sheegtay warbaahinta RMC Sport ee waddanka Faransiiska.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga