Louis Saha Oo Magacaabay laba Xiddig Oo Sabab U Ah Qaab Ciyaareedka Liita Ee Bruno Fernandes.

Louis Saha ayaa ka cabsi qaba joogitaanka Christian Eriksen iyo Kobbie Mainoo ee khadka dhexe ay dhibaato weyn ku tahay xiddiga Man United ee Bruno Fernandes.

United ayaa ku bilaabatay si xun xilli ciyaareedkan taas oo shaki galisay mustaqbalka Erik Ten Hag ee Old Trafford iyada oo si weyn isha loogu hayo inta lagu guda jiro fasaxa caalamiga ah.

Fernandes ayaa sidoo kale ku dhibaatoonaya qaab ciyaareedka isaga oo aan wax gool ah dhalin 11 kulan sidoo kale kaadhka cas loo taagay 2 jeer 3-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Mainoo oo 19 jir ayaa ka ciyaaray khadka dhexe isaga la ciyaaray xiddigo kala duwan sida Casemiro iyo Eriksen iyo Ugarte.

Eriksen ayaa ku bilowday 3 ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay laakiin Saha ayaa aaminsan in Eriksen iyo Mainoo ay dhibaato ku yihiin Fernandes.

“Waxay noqon kartaa xoogaa nasiib xumo ah in Bruno Fernandes uusan weli gool dhalin”ayuu yidhi.

“Uma muuqdo mid kalsooni qaba, laakiin sidoo kale shaxda ay United ku ciyaarayso ayaa qayb ka ah, ma helayo taageerada uu uga baahanyahay khadka dhexe”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga