
Louis Saha ayaa magacaabay kooxda ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Premier League xilli ciyaareedka Dambe.
KooxdaLiverpool ayaa ku sii dhawaanaysa ku Guulaysiga Premier league xilli ciyaareedkan.
Guul ay Arsenal gaadho ayaa dib u dhigi doonta dabaal dagga Liverpool laakiin kooxda Arne Slot ayaa markaas fursad u heli doonta in ay horyaalka ku soo gabagabayso Todobaadka dambe kulanka Tottenham.
Liverpool ayaa ahayd kooxda saddexaad ee ugu cad-cad ku guulaysiga Premier League bilowgii xilli ciyaareedkan iyaga oo ka danbeeyay kooxaha Manchester City iyo Arsenal.
Laakiin Man City ayuu qaab ciyaareedkeedu boos u dhacay Halka ay Arsenal mar kale ku dhamaysan doonto kaalinta 2-aad.
Iyadoo Guardiola uu saxiixay qandaraas kordhin horaantii xilli ciyaareedka, Manchester City ayaa rajeyneysa inay ka soo kabsato sanadka soo socda oo ay u tartanto horyaalka Premier League oo ay ku guuleysteen afar jeer oo isku xigta ka hor dhibaatooyinkooda xilli ciyaareedkan.
Arsenal ayaa isku dayi doonta in ay meel fiican gaadho ugu dambayna kor u qaado koobka Premier league markii ugu horaysay tan iyo 2004tii, halka kooxaha sida Chelsea iyo Newcastle United laga yaabo in ay hamiga sare ugu qaadaan tartanka horyaalka.
Laakiin Saha waxa uu shaki ka qabaa kooxaha aan kor ku soo xusnay, sidaas darteed waxa uu Liverpool u arkaa kooxda ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Premier League.
“Sanadkan, Liverpool waxa ay ahaayeen kuwa ugu joogtada badan, sidaas darteed waxa ay heleen dhibcaha ugu badan,” weeraryahankii hore ee Premier League ayaa u sheegay Mega Dice.
“Waxa ay mareen is badal guul ah, waxa ay Lumiyeen tababare weyn Jurgen Klopp waxana ay Heleen tababare fiican oo shaqo fiican qabatay”.
“Sidaas darteed iyadoo laga duulayo waxay u badan tahay inay weli yihiin kuwa ugu cadcad, halka aad arki karto Man City oo weli haysata isbeddello ay ku sameyso xagaaga”.
Be the first to comment