Lothar Matthaus Oo Magacaabay 7 Kooxood Oo Ku Guuleysan Kara Champions League.

Halyeeyga Bayern Munich, Lothar Matthäus, ayaa sheegay 7 kooxood oo uu u arko inay yihiin kuwa ugu cadcad ee ku guuleysan kara UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.

Matthäus ayaa ka hadlay ka hor kulanka Bayern Munich ee Champions League ay la leeyihiin Chelsea.

Matthaus ayaa sheegay in Real Madrid, Barcelona, Liverpool, PSG, Manchester City, Arsenal iyo Bayern Munich ay yihiin kooxaha ugu cadcad ku guuleysiga koobka.

“Aniga ahaan, Bayern waa mid ka mid ah lixda koox ee ugu wanaagsan Yurub isla markaana ka mid ah kooxaha ku guuleysan kara horyaalka,” Matthaus ayaa sida GOAL u xigtay yiri.

“Kooxahan waxaa ka mid ah kooxda difaacanaysa Champions League ee Paris Saint-Germain iyo sidoo kale Real Madrid, Barcelona, Liverpool, Manchester City iyo, si ka yar, Arsenal.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga