Liverpool Oo Xasuuqday West Ham.

kooxda Liverpool  ayaa guul weyn ka gaaray West Ham United kadib markii ay ku garaaceen 5-2 kulan ka tirsanaa wareegga 28-aad ee horyaalka Ingiriiska (Premier League) oo ka dhacay garoonka Anfield.

Liverpool waxay kor u qaadday dhibcaheeda ilaa 48 dhibcood, iyadoo ku jirta kaalinta shanaad, halka West Ham dhibcaheedu ku ekaadeen 25 dhibcood, taasoo ka dhigtay inay ku jirto kaalinta 18-aad.

Hugo Ekitike ayaa dhaliyay goolka furitaanka ee Liverpool daqiiqaddii 5-aad, halka Virgil van Dijk uu dhaliyay goolka labaad daqiiqaddii 24-aad, waxaana goolka saddexaad ku daray Mac Allister daqiiqaddii 43-aad.

Daqiiqaddii 49-aad, Tomas Soucek ayaa dhaliyay goolka koowaad ee West Ham, halka Cody Gakpo uu dhaliyay goolka afaraad ee Liverpool. Valentin Castellanos ayaa dhaliyay …

Daqiiqaddii 83-aad, Axel Disasi ayaa iska dhaliyay gool (own goal) taasoo faa’iido u noqotay Liverpool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga