Liverpool waxay gaareen guul ballaaran oo ay ku garaaceen Qarabag 6–0 kulan ka dhacay Anfield, kaas oo ka tirsanaa wareegga 8-aad iyo kan ugu dambeeya ee heerka guruubyada UEFA Champions League.
Alexis Mac Allister ayaa dhaliyay goolka koowaad daqiiqaddii 15-aad, ka hor inta uusan Florian Wirtz laba-laabin hoggaanka daqiiqaddii 21-aad, taasoo keentay in Reds ay qeybta hore ku dhammeeyaan 2–0.
Qeybtii labaad, Liverpool waxay sii wateen gacan-sarrayntooda, iyadoo Mohamed Salah uu dhaliyay goolka saddexaad daqiiqaddii 50-aad, kadibna Hugo Ekitike uu raaciyay goolka afraad daqiiqaddii 57-aad. Mac Allister ayaa markale shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 61-aad isagoo dhaliyay goolka shanaad, halka Federico Chiesa uu soo xiray bandhigga goolasha isagoo dhaliyay goolka lixaad daqiiqaddii 90-aad.
Guushan kaddib, Liverpool waxay dhibcahooda gaarsiiyeen 18 dhibcood, iyagoo galay kaalinta saddexaad ee kala sarreynta, taasoo u xaqiijisay u soo bixitaan toos ah wareegga 16-ka ee UEFA Champions League. Dhanka kale, Qarabag dhibcahooda waxay ku istaageen 10 dhibcood, iyagoo galay kaalinta 21-aad.
Iyadoo lagu saleynayo booska ay kaga jiraan kala sarreynta, Qarabag waxay ciyaari doonaan kulamada isreeb-reebka u soo bixitaanka wareegga 16-ka, kaddib markii ay ku guuldarreysteen inay helaan u soo bixitaan toos ah.
Be the first to comment