Liverpool Oo Xasuuqday Man United

Liverpool ayaa xasuuqday kooxda Man United kulankoodii saaxiibtinimo ee ka dhacay Maraykan.

Labada kooxood ayaa ku bilowday shax isugu jira xiddigo da’yar ah iyo xiddigo kooxda 1-aad ah.

Man United ayaa ku badnayd dhinaca da’yarka inkasta oo ay xiddigo kooxda 1-aad ah sidoo kale ku jireen.

Daqiiqadii 10-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay Fabio Carvalho kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Liverpool ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 36-aad dhaliyeen goolka 2-aad waxana u dhaliyay Curtis Jones kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Kooxda Slot ayaa qaybtii dambe sii wadatay qaab ciyaareedkooda iyaga oo sii waday dadaalada ay ku doonayaan goolasha.

Daqiiqadii 61-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 3-aad oo ciyaarta waxana u dhaliyay Tsimiskas kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay Liverpool oo xasuuqday Man United guulna ku soo xidhatay kulamadooda isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Maraykanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga