Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Baacsiga Ay Ugu Jirto Marc Guehi.

Liverpool ayaa loo gacan galiyay dardar dheeri ah oo ku aadan raacdada ay ugu jirto daafaca Crystal Palace ee Marc Guehi.

Baahida kooxda heysata horyaalka Premier League ee xoojinta daafaca ayaa mar kale la soo bandhigay Axadii iyadoo labo jeer laga dhaliyay Kulankii Final Cumminty shield-ka ay la ciyaaraysay Crystal Palace.

Waxa ay la macno tahay in Reds ay shabaqeeda ilaashatay hal kulan xilli ciyaareedka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub waxana ay ahayd 5/0 ay Stoke City ku garaacday kulan saaxiibtinimo oo albaabadu u xidhnaayeen oo ka dhacay xerada tababarka kooxda bishii hore.

Kaddib markii ay Jarell Quansah ka iibisay Bayer Leverkusen, sidoo kale Joe Gomez oo haatan dhaawac ku maqanyaha tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa kaliya haysta laba daafac oo dhexe oo taam ah ka hor kulanka furitaanka xilli ciyaareedkan ee Bournemouth.

Iyadoo la hadal hayo saxiixa bedelka Darwin Nunez, daafaca dhexe ee cusub ayaa sidoo kale loo maleynayaa inuu yahay mudnaanta Reds ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaaga.

Rajada Liverpool ee saxiixa Guehi ayaa kor u kacday laba jibaar isbuucaan. Newcastle, oo lala xiriirinayay inay dib u soo noolayn doonto xiisaha ay u qabto kabtanka Palace ayaa haatan dhmaaystirtay Saxiixa daafaca.

Intaa waxaa dheer, guddoomiyaha Palace Steve Parish ayaa qirtay inuu iibin doono Guehi haddii dalab ku habboon uu yimaado si looga fogaado khatarta ah inuu beeca xorta ah ku lumiyo xiddiga reer England xagaaga soo socda.

Isagoo hadlayay ka dib guushii Community Shield, Parish ayaa yiri: “Haa, dabcan, ciyaartoyda heerkaas ah inay ku baxaan si xor ah, waxay dhibaato ku tahay kooxda kubada cagta ah.”.

“Shaki kuma jiro, nasiib darro xagaagii hore, Joachim [Andersen] wuu baxay, mana awoodi karno inaan lumino labadoodaba.

“Waxaan markaas dalab kale ka helnay bishii Janaayo, laakiin taasi waxay ahayd xaalad adag sidoo kale waa inaan aragnaa waxa dhaca”.

“Waa in uu heshiis cusub saxiixo ama waa In ay arinta kale dhacdo”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga