Liverpool Oo Wadahadalo La Furtay Badalka Arne Slot Kadib Guuldaradii Bournemouth

Liverpool ayaa la xiriirtay tababarihii hore ee Real Madrid, Xabi Alonso.

Sida ay warinayso Diario AS, Alonso ayaa durba helay wicitaankii ugu horreeyay ee kaga yimid Liverpool, inkasta oo uu haatan nasasho ku jiro, waxaana la sheegay in jawaabtiisu ay ahayd mid wanaagsan.

Alonso ayaa dhowaan laga ceyriyay xilka tababarenimo ee Real Madrid, waxaana lagu beddelay Álvaro Arbeloa.

Ninka 44-jir ah ayaa sidoo kale horey u soo tababaray Bayer Leverkusen, wuxuuna guulo la taaban karo ka gaaray intii uu joogay kooxda Bundesliga-da.

Alonso wuxuu horey uga soo ciyaaray Liverpool xilligii uu ahaa ciyaaryahan xirfadle ah, welina lama oga in uu aqbali doono inuu noqdo tababaraha Reds.

Tababaraha hadda ee Liverpool waa Arne Slot, balse ninka reer Netherlands ayaa cadaadis kala kulmaya Anfield sababo la xiriira bandhigga kooxda ee xilli-ciyaareedkan.

Kooxda Slot ayaa haatan ku jirta kaalinta afraad ee kala sarreynta Premier League-ga, waxaana si farsamo ah looga tixgelinayaa inay ka baxeen tartanka hanashada horyaalka xilli-ciyaareedkan, kaddib markii ay ku guuleysteen horyaalka xilli-ciyaareedkii hore.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga