
Waxa maanta la soo saaray jadwalka kulamada premier League xilli ciyaareedka cusub ee 2025/2026.
Kooxda difaacanaysa premier League ee Liverpool ayaa ogaatay kulamada ay ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub.
Laakiin Reds ayaa durba sidoo kale ogaatay kulamada ay waayi doonto xiddigooda ugu muhiimsan kooxda ee Mohamed Salah.
Liverpool ayaa ugu yaraan 5 kulan waayi doonta xiddiga Mohamed Salah bilowga xilli ciyaareedka cusub ee premier League.
Salah ayaa xulka qarankiisa Masar kala qayb gali doona tartanka koobka Africa ee sanadkan marka la bilaabo xilli ciyaareedka cusub.
Halkan kaga bogo kulamada uu Salah maqnaan doono.
Wolves (h),
Leeds (h),
Fulham (a),
Arsenal (a),
Burnley (h)
Be the first to comment