Liverpool Oo Tallaabo U Qaaday Ku Guulaysiga Premier League.

Kooxda Liverpool ayaa guul ka gaadhay kooxda Newcastle kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay Anfield.

Goolal ay dhaliyeen Dominik Szoboszlai Iyo Alexis Mac Allister ayaa Liverpool ku hogaamiyay guul ay u qalmeen.

Reds ayaa maamulaysay ciyaarta iyaga oo ka awood adnaa Newcastle United kana fiicnaa guud ahaan ciyaarta.

Dhinaca kale Arsenal ayaa bar-baro 0/0 ah la gashay Kooxda Nottingham Forest.

Kadib natiijadaas kooxda Liverpool ayaa 13 dhibcood oo cadaan ah ku qabatay hogaanka premier League.

1 Comment

Dhiibo Fikirkaaga