
Kooxda Liverpool ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Leicester City kulan ka tirsanaa todobaadkii 33-aad ee horyaalka premier League kadib markii ay kaga badiyeen 1-0.
Leicester City ayaa garoonkeeda ku soo dhawaysay Liverpool, waxayna Reds u suurtagashay in ay gaadho guul si ay hal talaabo ugu sii jirto hanashada horyaalka, halka Leicester City la xaqiijiyay in ay u laabatay heerka labaad ee Championship-ka.
Ciyaaryahan Trent Alexander-Arnold oo bedel ku soo galay ayaa daqiiqadii 76-aad ee ciyaarta u dhaliyay kooxda Liverpool goolka qura.
Natiijadan ayaa keentay in dhibcaha Liverpool ay kor u kacdo 79 dhibcood oo ay ku jirto kaalinta koowaad, halka Leicester City ay dhibco ahaan baaqi ku sii ahaanayso 18 dhibcood oo ay ku jirto kaalinta 19-aad.
Be the first to comment