Kooxda Liverpool ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Burnley kulan ka tirsanaa premier League.
Gool uu Mohamed Salah dhaliyay ayaa Liverpool ku hogaamiyay guul ay ka gaadheen Burnley.
Goolka guusha ee Liverpool ayaa yimid daqiiqadii 90+4-aad oo u dhiganta daqiiqadii ugu dambaysay ee ciyaarta.
Maaha markii ugu horaysay ee ay Liverpool gool dhaliso daqiiqadaha ugu dambeeya kulamada premier League xilli ciyaareedkan iyada oo dhamaan sidaas samaysay kulamadii hore.
Shabaka Opta ayaa sheegtay in ay Liverpool taariikh ka samaysay premier League kadib goolkii Burnley.
Liverpool ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee taariikhda Premier League ee badisa 4 kulan oo xidhiidh ah iyada oo gool dhalisay 10-ka daqiiqo ee ugu dambeeyay ciyaarta iyo wixii ka dambeeya.
Be the first to comment