Liverpool Oo Soo Saartay Liiska Kulanka Champions League Ee Marseille, Miyuu Salah Ku Jiraa?

Liverpool ayaa dib ugu soo dhoweeyay kooxdooda Mohamed Salah iyagoo u safraya Marseille si ay u ciyaaraan kulankooda 7-aad ee tartanka champions League iyadoo rajadooda u gudbidda tartanka ay weli ku jiraan gacantooda.

Inkasta oo ay jireen caqabado iyo hoos-u-dhac ay la kulmeen bilowgii xilli ciyaareedka Reds-ku weli waxay ka mid yihiin kooxaha fursadda u leh inay u gudbaan wareegyada bug-baxa, inkastoo xaaladda hadda taagan ay geli karaan kulamada kala baxa ah.

Liverpool ayaa Salah dib ugu helay Merseyside kaddib markii uu ka soo laabtay Koobka Qaramada Afrika.

Weeraryahanka, oo mar kale ku guuldarraystay inuu uu xulkiisa kula guulaysto koobka Africa, ayaa ka qayb qaatay tababar furan maalintii Salaasada, wuxuuna xoojin doonaa xulashooyinka Arne Slot ka hor safarkooda ay ku tagayaan garoonka Stade Velodrome.

Waxa lagu daray liiska 20-ka ciyaaryahan ee safarka ah ee ka duulay garoonka John Lennon Airport galabnimadii Salaasada.

Halka ciyaaryahan ee ka maqan Liiska ayaa ah Xiddiga daafaca uga ciyaara ee Ibrahima Konaté.

Difaacaasi ma ciyaari doono dalkiisa hooyo sida ay xaaladdu hadda tahay, balse hore ayuu ugu laabtay Faransiiska, iyadoo maqnaanshihiisa loo sababeeyay arrin qoys.
Maqnaanshihiisa awgiis, Joe Gomez ayaa la filayaa inuu la safan doono Virgil van Dijk bartamaha difaaca.
Liiska xiddigaha Liverpool ee u safaray France:
Alisson, Gomez, Endo, Van Dijk, Kerkez, Wirtz, Szoboszlai, Mac Allister, Salah, Chiesa, Jones, Gakpo, Ekitike, Mamardashvili, Robertson, Woodman, Frimpong, Gravenberch, Nyoni, Ngumoha.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga