Liverpool Oo Sidii caadada U Ahayd Guul Wakhti Dambe Ka Gaadhay Atletico Iyo Bayern Munich Oo Garaacday Chelsea.

Sidii caadada ahayd xilli ciyaareedkan Liverpool ayaa daqiiqihii ugu dambeeyay ugu dambeeyay Garaacday Atletico Madrid kulan ka tirsanaa champions league.

Kulanka ayaa ayaa mid ay Liverpool si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo daqiiqdii 4-aadba helay goolka 1-aad oo uu u dhaliyay xiddiga Robertson.

Daqiiqadii 6-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Atletico Madrid ayaa dhalisay gool ka hor inta ayna dhamaan qaybta hore ee ciyaarta waxana uu dhaliyay xiddiga Llorente kaas oo rajo siiyay kooxdiisa.

Isla xifdiga Llorente ayaa dhaliyay goolka 2-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/2.

Laakiin sidii caadada ahayd Liverpool ayaan is dhiibin waxana ay raadisay goolka guusha.

Daqiiqadii 90+1-aad ayay Liverpool dhalisay goolka guusha waxana u dhaliyay xiddiga Van dijk kaas oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul xiiso leh.

Dhinaca kale Bayern Munich ayaa 3/1 ku garaacay kooxda Chelsea kulan ka tirsanaa isla champions league.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga