Liverpool Oo Rajo Ka Heshay Xaalada Trent Alexander Arnold

Rajada Liverpool ee ah inay sii haysato Trent Alexander-Arnold wixii ka dambeeya dhamaadka xilli ciyaareedka ayaa weli nool ka dib markii ay soo bexeen Warar ku Saabsan xiddig iyo go’aanka mustaqbalkiisa iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda Real Madrid.

Waxa soo baxaya Warar badan oo sheegaya in uu Xiddigu ogolaaday in uu ku biiro kooxda Real Madrid.

Xitaa waxa jira warar ka imanaya Spain oo sheegaya in uu xiddigu haatanba ogolaaday in uu ku biiro kooxda Real Madrid.

Laakiin sida Laga soo xigtay talkSPORT, xiddiga Trent Alexander Arnold ma uusan ogolaan in uu ku biiro kooxda Real Madrid.

Isla shabakada ayaa sheegaysa in aanu Trent Alexander Arnold wali wax go’aan ka gaadhin mustaqbalkiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga