Liverpool Oo Qaaday Tallaabo Kale Oo Ay Heshiis Cusub Uga Saxiixanayso

Liverpool FC waxay sii wadaa inay ka shaqeyso heshiiska cusub ee daafaca Trent Alexander-Arnold, kaasoo qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Reds ayaa soo bandhigtay wax ka badan hal dalab isbuucyadii la soo dhaafay, laakiin ciyaaryahanka ayaa diiday dhamaantood.

Sida laga soo xigtay “CaughtOffside”, Liverpool waxay u bandhigtay Arnold dalab la hagaajiyay oo ku kacaya 20 milyan oo euro sanadkii.

Ilaha ayaa intaa ku daray in Real Madrid ay xoojin doonto isku daygeeda bisha January ee soo socota si ay ugu heshiiyaan ciyaaryahanka inuu si bilaash ah ugu biiro xagaaga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga