
Liverpool ayaa isku diyaarinaysa suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo ay suurtogal tahay in ay ka tagaan dhawr xiddig oo muhiim ah gaar ahaan Alexander-Arnold oo ku dhaw in uu ku biiro Real Madrid.
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya CaughtOffside, Liverpool ayaa u aqoonsatay daafaca dambeedka midig ee Nottingham Forest Ola Aina inuu yahay bedelka Arnold hadii uu baxo.
Aina ayaa xilli ciyaareed heer sare ah la qaatay kooxdiisa haatan, isagoo u saftay 32 kulan, isagoo ka mid ah daafacyada ugu joogtada iyo kalsoonida badan ee Premier League.
27-sano jirkaan ayaa awood u leh inuu u ciyaaro sidii daafac dhaqameed ama door rogan oo garoonka dhexdiisa ah, taasoo ka dhigeysa mid ku haboon Liverpool.
Laacibka ayaa soo jiitay kooxo badan oo Premier League ah oo ay ku jirto kooxdiisii hore ee Chelsea iyo sidoo kale Newcastle iyo Tottenham xilli ay tartan xoogan ugu jiraan adeegiisa.
Nottingham Forest ayaa isku dayaysa inay dib u cusbooneysiiso qandaraaska Aina, kaasoo dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan, laakiin shaqada ayaa u muuqata mid adag marka loo eego xiisaha kooxaha waaweyn.
Be the first to comment